Friday 3 April 2009

Tarjumidda weero af Ingiriis ah

Waa run in erey walba oo af Ingiriis ah loo rogi karin af Soomaali. Miyay tahay suurtogal inay jiraan weero af Ingiriis ah oo aadan af Soomaali u rogi karin? Miyaa Labadan weerood ee soo socda ee uu soo bandhigay Dr John Caney, qoraha buugga The modernisation of Somali vocabulary, with particular reference to the period from 1972 to the present (1983) loo rogi karaa af Soomaali?

1-I hope that he does not go to Hargeysa.

2-I hope that he did not go to Hargeysa.