Saturday 24 November 2007

Hal-Abuur magazine relaunched

The quarterly, Somali cultural magazine Hal-Abuur has been relaunched thanks to a support from Somali business community in the United Arab Emirates.

Sunday 18 November 2007

HADALKU MARGI MA WADA AHA


O
raahda "hadal waa margi oo kale…' waxa ay ka mid tahay oraahyada la gaarsiiyey heer maahmaah marka la eego sida loogu hal qabsado. Maahmaahda Soomaaliyeed ee oranaysa 'Soomaalidu been waa sheegtaa beense ma maahmaahdo' ayaa la cuskadaa marka la doonayo in aan wax loo sii fiirsan: miro barde duuduubkaa lagu liqaa!

Dulucda curiskan ma aha in lagu gorfeeyo maahmaahyaha Soomaaliyeed ee baal maray runta. Waxa keliya ee curiskani u kuurgeli doonaa waa in oraahda 'hadal waa margi oo kale…' ay dhab tahay ama in ay iyaduba margi tahay.

Weedh qoran ama mid qof ku hadlay waxa lagu tilmaamaa margi marka ay macnayaal kala duwan yeelan karto ( ambiguity). Sidaasi si ka duwan waxa qaba Dr Cali Jimcaale Axmed oo margiyeysnaanta hadalka u arka dabacsanaan ( '…flexibility [and]…sinew-like elasticity) (bogagga 30 iyo 110 buugga Daybreak is near) marka uu falanqaynayo maanso ka mid ah silsiladdii Siinleey.

Ereyada – kuwa qoran iyo kuwa lagu hadlayba—qaarbaa yeelan kara tilmaamaha margiga. Qaar kuma nagaadaan marginimada ka dib marka dadka ereyadaa lehi ay caddeeyaan waxa ay ula jeedaan; qaarna kama baxaan marginimada caddayn la'aan awgeed.

Waxa jira maansooyin Soomaaliyeed oo laga dhex heli karo tuducyo akhristaha ama dhegeystuhu siyaabo kala duwan uu u macnaysan karo. Dhibaatooyin la xiriira tarjumidda ayaa soo ifbaxa marka la tarjumayo weedh – tix ama tiraab tii ay doonto ha noqoto—macnaheedu uusan caddeyn. Haddii dib aan ugu noqonno tusaalaha ku saabsan falanqeynta silsiladdii Siinleey, Dr Cali oo tarjumaya tuducyo ka mid ah maanso uu tiriyey abwaanka Cabdi Aadan ( Cabdi Qays) kuna socota Alle ha u
naxariistee Xaaji Aadan Axmed "Af-qalooc" waxa uu qoray sidan:

Nin Sagaashan jirayoo hadal seegay weeyee"
'Words are lost on a 90-year old man' (tarjumaddii Dr Cali Jimcaale Axmed).

Dr Cali oo iftiiminaya duurxulka Cabdi Qays—waa haddii uu Cabdi Qays u duurxulay Eebe ha u naxariistee Xaaji Aadan Afqallooc—waxa uu qoray"…Cabdiqays oo tilmaamaya micnayarida da'ada Af-qallooc oo laga yaabo inay muujinayso asaasaqnimo' ( "…Qays mocks Af-qallooc's years
as a possible sign of senility…" ( bogga 113). Ereyada laga soo qaaday maansada Cabdi Qays waa kuwo leh tilmaamaha margiga. Cabdi Qays oo keliya ayaa caddayn kara macnaha dhabta ah ee "nin Sagaashan jirayoo hadal seegay weeyee"—oday asaasaq ah ama oday hadal da'diisa aan ku
sargo'neyn yiri.

Maahmaahyo ama gabayo hore loo tiriyey ayaa hadallada qaarkood macnayaal badan u yeeli kara. Waa suurtogal in Dr Cali Jimcaale Axmed uu asaasaqa (senility) ka dhex helay gabaygii Qamaan Bulxan oo tuducyadani ka mid yihiin:

Caliyoow da'daan ahay waqaa looma duurxulo e
Duq gaboobey iyo wiil yar baa loo dedaa hadale

Gabowga waxa ku mataanaysan waaya-aragnimo iyo talo-ruugnimo, halka dhallinyaranimadu ay la bah tahay fudaydka—'labataan jir intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa.' Ma maahmaahyaha ayaa mudnaanta la siinayaa mise gabayaaga marka la macnaynayo ereyo ka mid ah gabay oo macneyaal badan yeelan kara? Mise sida bulshada markaa nool ay u aragto heerarka kala duwan ee da'da qofka iyo kartida la socota? Waxa aan filayaa in weydiimahani ka badbaadaan tilmaamaha margiga.

©L.A.

Hadalka margiyeysan

Warfidiyeenka af Soomaaliga adeegsada waxa mararka qarkood soo foordsaarta kala doorasho adag marka ay xiganayaan hadal qof yiri. Weriyaha hiiraan.com ee Muqdisho oo xiganaya wakiil ka mid ah wakiillada baarlamaanka Soomaalida ee Baydhaba fadhiya wuxuu qoray:
"Marna ma haboona in Saxaafadda madaxa bannaan ay Nabad-sugidda raacdeysato iyadoo sharciga Warbaahinta dalka uu Baarlamaanka horyaalo”.


Way caddahay in saxaafadda madaxa bannaan aysan wax eryan, hase ahaatee haddii aan si kale u macnaysto ma gef baa?
Tusaale kale ila wadaaga:

Dahabshiil Maxay Somaliland Ugu Ogolaan Weyday BANGI

Ma Somaliland baa wax oggolaanaysa mise Dahabshiil? Sidee tarjume ama qof shisheeye oo af Soomaaliga bartay u furdaamin karaa hadalkan margiyeysan ee macnaha badan yeelan kara?

Friday 16 November 2007

Xisaabta iyo af Soomaaliga

Xisaabyahanka Jaamac Muuse Jaamac ayaa wax ka qoray sida af Soomaaliga loogu adeegsaday xisaabta.

Summadda la yaabka

Astaamayntu waa tiir ka mid ah xeerarka wax qorista. Haddii aniga oo doonaya in aan ku weydiiyo -- Ma akhrisaa buugaagta taariikhda?-- aan ka tago summadda weydiinta, waad la yaabi. Summadda la yaabka looma adeegsado wararka. Sidoo kale looma adeegsado xogta haddii aadan doonayn in aad muujiso in xogtaa ay kula tahay mid in lala yaabo mudan. Qormo ku saabsan nabi Maxamed ( NNK) ayaa cinwaankeeda lagu daray summad la yaab (!).

Sunday 11 November 2007

Sawir iyo Qormo kala duwan

Qormo lagu soo saaray mareegta cadaado.com ayaa waxa maamulka mareegtu ku dareen sawirka "madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf." Ma anigaaba is lahaa madaxweynuhu qalinka ayuu maalaa marka uusan siyaasadda ku howlanayn!

Monday 5 November 2007

Maansada Gaarriye iyo Miisaankii Maansada ee uu Daahfuray: Gorfayn


Dhulka Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa qaran gabyaa. Tilmaantaa ma aha mid Soomaalidu isa siisay. Waa wixii dadkii dhulka Soomaalida soc-daalka ku yimid ay ku arkeen Soomaalida. Waxaa dadkaa dhulka Soomaalida u soo socdaalay ka mid ahaa Rijaard Beerton oo Sheekh Cabdalla isu bixiyey. Wuu la yaabay hal-abuurka Soomaalida markii uu yiri:

Dalku waxa uu la buux dhaafayaa gabyaa; qof kastaa waxa uu suugaanta kaga jiraa meel la aqoonsanyahay oo si dhab ah loo qeexay sida isaga oo lagu gorfeeyey war-geyso qarniyaal soo baxayey—dhegta wax dhaadda ee dadkan ayaa keenta in ay ku raaxeystaan codadka aan laaxinka lahayn iyo hawraarrada maanso, halka tiro badan oo sal aan lahayn ama ereyo ka madhan xiise-galin ama male-awaal ay dhaliyaan caradooda oo kulul.


Erayada Rijaard Beerton waxay muujinayaan in Soomaalidu lahayd gorfeyn maanso oo heerkeedu sarreeyo xilli af Soomaaliga uusan qornayn, qoristiisana aan la hadal hayn. Noocyada kala duwan ee maansada Soomaliyeed waa la yiqiin, hase ahatee lama wada aqoon xiriirka ka dhaxeeya maansooyinka qaarkood iyo seeska habdhismeedkooda. Aqoonta maanta loo leeyahay miisaanka maansada Soomaalida waxa sanadkii 1976dii soo bandhigay maan-soyahanka caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”.

Mahadhada iyo Waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’ waa buug lagu soo ururiyey in badan oo ka mid ah jaadadka kala duwan ee maansada Gaarriye iyo qormooyinkiisa dhaxal-galka ah ee uu ku daah-furay miisaanka maansada, kagana sheekeeyey siyaabaha kala duwan ee maansoyahannada Soomaaliyeed u adeegsadaan afka ay ku maansoodaan: af Soomaaliga.

Gogoldhigga ka sokow, buuggani wuxuu ka kooban yahay lix cutub oo isugu jira qof kadal kooban ( biography), cilmibaaristii uu Gaarriye ku soo saaray wargeyskii Xiddigta Oktoobar iyo laanta af Soomaaliga ee BBC-da, qormooyin “taageeraya aragtida Gaarriye ee Miisaanka”, maansooyinka Gaariye, booqashadii uu Abwaaku ku yimid dalka Biritayn iyo qaybta u dambaysa oo ah erey fur uu qoruhu ku qeexayo ujeeddooyinka ereyo badan oo ku jira maan-sooyinka Gaarriye.

Maansooyinka Gaarriye ee buugga lagu soo ururiyey way kala duwan yihiin marka la eego badaha ay ka soo kala jeedaan, waayaha laga curiyey iyo waxa ay ku saabsan yihiin. Waxa maansooyinka la isu raacshay hadba sida ay isugu ujeeddo dhow yihiin. Maansooyinka caanka ah waxaa ka mid ah heesta Hayaan oo ka soo jeedda badda baarcaddaha. Hayaan waxay ka mid ahayd manhajkii suugaanta ee laga dhigi jiray dugsiyadii Soomaalida ka hor kala dadaadashada Soomaaliya; waxaa kale oo ka mid ah gabayga Daarwin oo gabyaagu si hal-abuurnimo leh uga warramay waayaha adduunka. Gorfayntani ma soo wada bandhigi karto baaxaadda maansooyinka Gaarriye.

Markii Gaarriye ku soo saaray wargeyskii Xiddigta Oktoobar qormooyin taxane ahaa oo uu ku lafa-gurayey miisaanka maansada, waxa aloosantay dood. Ereyadii Gaarriye bishii Janawari ee sanadkii 1976dii ku bilaabay qormooyinkiisa ayaa weli sidii u qoyan, una murtiyeysan:

Maqal! Ma jeclaan lahayd inaad gabaydo? Mase ogtahay inaan abwaan-nimada loo dhalan uun ee la samayn karo? Waxba ha la yaabin. Ma jiro waxaan qofka aadmiga ahi aanu qaban karin, haddii uu niyad fiican la yimaaddo. Way jirtaa oo waynu aragnaaa dad hibo gaar ah u leh gabaayaannimada.


Seddex xaglood bay ahayd doodda ka dhex aloosantay akhristayaasha miisaanka maansada. Mid waxay soo bandhigaysay tusaalooyin looga gol lahaa in lagu muujiyo sida miisaanka maansada ee Gaarriye noqonayo marka meerisyada ku jira gabayada qaarkood u hoggaansami waayaan xeerarka Gaarriye dejiyey kadib markii uu cilmibaaris ku sameeyey maansada Soomaalida. Xagal labaad waxa ka soo baxaysey taageero ku aaddan miisaanka maansada ee uu Gaarriye helay. Xagal seddexaadna waxay la xiriirtay caddaymo muujinayey in Akadamiyadii Fanka iyo Cilimigu aysan dhuuxin waxtarka dhaqameed iyo taariikheed ee miisaanka maansada.

Waxaanse mugdi ku jirin in doodda uu soo jeediyey Allaha u naxariisto Ibraahim Cawad (Khoolli) ay Gaarriye u horseedday sii caddaynta miisaanka maansada. Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sida dhafanayaasha qaarkood marna shaqal gaaban loogu tiriyo (baxay) marna shaqal dheer (baxaysaa) ayaa ka dhalatay dooddaa. “[Gaarriye] wuxuu aaminsan yahay in ayan gabyaannimadu hibo Eebbe ahayne tahay xeel la baran karo,” ayuu Khoolli qoray. Ereyada Gaarriye ee aan gorfayntan ku dhex xigannay ayaa muujinaya in uusan hibada diiddanayn hase ahaatee qabo in ay jirto awood qofku u yeelan karo in uu maanso tiriyo. Dood kale ayaa jirtay. Khoolli oo xiganaya ereyada Gaarriye wuxuu qoray:

Gabaygu wuxuu ka mid yahay noocyada xidhiidhka isafgarashada bulshada waxaana dhacda in higgaaddu ku jirrabto gabyaaga inuu isticmaalo erey ka leexsan ujeeddadiisii oo aan si dhab ah u cabbirayn dareenka (feeling) naftiisa. Haddaba haddii uu yahay dhaabad, waa inaynu dhaqso uga xorownaa shardigan.

Gaarriye wuu ku adkaysatay midkaa isaga oo ka falcelinaya qormada Khoolli, wuxuuna ku dooday sidan: “ Waxaan xerta fallaagowday ee uu sheegay aan u farayaa inaan horena u idhi ilaa iyo haddana la taagnahay inaan maansadeennu u baahnayn higgaadda ( qaafiyadda) ”.

Gaarriye wuxuu ku sigtay inuu xididdada u siibo miisaanka maansada ee uu daahfuray. Miisaanka waxa uu ku salaysan yahay waa maanso; maansaduna way ka duwan tahay tiraabta. Waxa gaarsiiyey heerkaa ay kaga duwanaato hadalka caadiga ah waa hab-dhismeedkeeda. Waxa kale oo jirta in xeerarka maansada, gaar ahaan higgaadda, ee uu maansayahanku u hoggaansamayo ay keentay shaqallada isku sar go’an ee ku jira meerisyada maanso. Shaqallada ka midka ah meeriska maanso ee la miisaamayo waxa ay qaarkood ka soo jeedaan ereyada hiiggaada ku dhisan ee maansoyahanku adeegsaday. Taa la’aanteed miisaanka maansadu ma shaqeeyeen. Miisaanka maansada oo shaqeeyey ayaa ka baadbaadisay Gaarriye in dooddiisu dabarto daah-furka u isagu sameeyey .

Cutubka seddexaad wuxu qoruhu ku soo bandhigay aragtiyo aanu Gaarriye qoraal ku soo saarin hayeeshee laga siidaayey laanta af Soomaaliga ee BBC-da. Gaarriye wuxuu kaga warramay qaybtan sida aan af Soomaaliga looga hodansanayn isla markaana iftiimiyey sida hal-abuurrada Soomaalida u adeegsadaan hadal murtiyeedka ( figures of speech) isaga oo barbardhigaya kuwa af Ingiriisiga ah. Tusaale ahaan, ekeeyaha (simile), xuska (allegory), buunbuuninta (exaggaration), qofaynta ( personification), shareerada (metaphor) iyo filansuganta (paradox). Isla qaybtaasi wuxuu Gaarriye kaga hadlay waddooyinka ay hal-abuurradu u soo maraan dhegeystayaashooda kolka ay wax curinayaan. Isaga oo arrintaa ka hadlaya wuxu tilmaamay inay hal-abuurradu adeegsadaan shanta dareemayaal ee kala ah maqalka (aural), aragga (visual), urta ( olfactory), dhandhanka (gustatory), iyo taabashada (tactile).

Qayb ka mid ah buugga wuxuu Cabdiraxmaan Barwaaqo ku soo bandhigayaa sida miisaanka maansada loo adeegsan karo marka la eegayo “qaab dhis-meedka heesaha (wiglo, hirwo, dhaanto iyo heello)”. Xiriirka xisaabeed ee ka dhaxeeya maansooyinka ayaa kuu muuqanaya. Tusaale ahaan: Wigladu waxay ka kooban tahay 12 shaqal. Marka gadaal lagaga daro labo shaqal waxay noqonaysaa hirwo. Hirwada marka labo shaqal xagga hore lagaga darana waxa soo baxaysa dhaanto.

Cabdiraxmaan Barwaaqo waxa uu adeegsaday miisaanka maansada markii uu ogaaday in heesta Suleekha ee uu curiyey abwaanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ay ka kooban tahay laba qaybood. “Qaybta hore ee heestu waxay ka soo jeeddaa badda loo yaqaan Baarcaddaha, qaybta labaadna waxay ka soo jeeddaa badda loo yaqaan Geeraarka,” ayuu Barwaaqo qoray. Miisaanka maansada ayaa fududeeyey kala soocidda badaha maanso ee heesta Suleekha ka kooban tahay. Meeris ka mid ah heestaa waxa ka soo dhexbaxay weydiin ku saabsan sida shaqal dheer loo tirinayo.
Waa kan meeriska:

Geel baa sidig loo ogaa
(1) 2 1 1 2 (1) 2 =10

Sida muuqata waxa labada shaqal ee ku jira ereyga ugu horreeya meeriska loo tiriyey inuu yahay hal shaqal. Meerisyada baarcaddaha ah ee Gaarriye ku lafa-guray qormooyinkiisa way ku jiraan qaar shaqallada wadartoodu yihiin kow iyo toban, hase ahaatee kuma jirin meeris ku billowda erey laba shaqal leh sida geel. Waxa ka mid ah meerisyadan soo socda:

Haddaan casarkii carraabo
(1) 2 1 1 2 1 2 (1) = 11
Ciduun baan heli lahaaye
(1) 2 2 1 1 (1) 2 (1) =11

**** **** ****
Hayaanku ma meel fog baa
1 2 1 1 2 1 2 = 10
Hillaacu ma beegso baa
1 2 1 1 2 1 2 =10

Waxaa kale oo Barwaaqo isaga oo miisaanka adeegsnayaa uu saxay maansooyin lagu sheegay gabay. Waxa ka mid ah maanso Sheekh Jaamac Cumar Ciise, ururiyaha taariikhda iyo gabayada Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, uu ku tilmaamay inay tahay gabay. Waa maansadii Xuseen Dhiqle tiriyey ee meerisyadani ka mid yihiin:

Dhurwaa adhiga Eebaa leh
Eebbiyo Ustaadhkaa leh
Oo niman dableeyaa leh

Maansadaasi waxay ka soo jeedda badda heesta maqasha dawacada lagaga jiro ama ta haanta loogu heeso marka caanaha lagu lulayo. “Waxa haddaba isweydiin leh ,” buu Cabdiraxmaan Barwaaqo akhristaha weydiiyey, “haddii Aw Jaamac Cumar Ciise iyo raggii hawsha la wadey ay maansooyinkaasi gabay ku sheegeen maxaad u malayn qof caadi ah oon suugaanba wax ka aqoon?”

Caddadkii ugu horreeyey ee Wargeyskii Dalka ee af Igiriisiga ku soo baxay 1dii Julaay 1965tii waxa qormooyinka lagu soo saaray ka mid ahaa qormo ku saabsan jiiftada Xuseen Dhiqle iyo jawaabtii dhurwaaga. Qoraha maqaalka qoray wuxuu u mahadceliyey Allaha u naxariisto Muuse Xaaji Ismaaiil Galaal oo berigaa siiyey Dalka labada maanso oo qoran. Waxaa lagu sheegay maansada Xuseen Dhiqle hees fudud,(light Hees), tan dhurwaagana jiifto . Tani waxay muujnaysaa in miisaanka maansadu aanu fududeyn oo keliya kala soocidda maansooyinka balse uu abuuray in si cilmiyeysan loo baaro maansada Soomaalida. Welise way taagan yihiin weydiimaha Gaarriye soo jeediyey : “Ma heesihii yaryaraa baa koray oo keenay gabayga? Mise gabayga ayaa u kala jajabay heeso yaryar?”

Labada qaybood ee ugu dambeeya buugga waxa lagu soo ururiyey qormooyin ku saabsan booqashadii Gaarriye ku yimid dalka Biritayn, qaar ka mid ah maansooyinkiisa oo af Ingiriisi loo ‘hal-tabiyey’, iyo wareysi Gaarriye lala yeeshay intii uu booqashada Biritayn ku joogay. Mahadhada iyo Waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’ waa buug mudan inuu ka mid noqdo keydka buugaagta qof kasta oo af Soomaaliga danyeeya ama jecel.



Buuggan waxa laga heli karaa

http://www.lulu.com/content/1258375

Friday 2 November 2007

"Shufbeel"

Shufbeel waa sheeko
gaaban oo farshaxannimo sarreysa ka muuqato. Waxaa qoray Siciid Jaamac Xuseen.

Araweelo in the travel writings of Major Henry Rayne

Blackwood's ceased publication in 1980. Major Henry Rayne published a travel
piece in the magazine in 1938.

Thursday 1 November 2007

Somali Week Festival

Rhoda Rageh reflects on Somali Week Festival held in London in October.