Sunday 30 September 2007

Buug cusub oo laga qoray maansada Gaarriye


Waxaa dhowaan la soo saaray buug laga qoray maansada Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye". Waxa buugga qoray afyahanka Cabdiraxmaan Faarax 'Barwaaqo'.
Waa buuggii u horreeyey ee laga qoro mahadhada iyo waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye". Waxanad ku ogaan badaha uu Gaarriye ka maansoodo iyo habka uu u adeegsado maansooyinkiisa. Waxad dhaayahaaga ku dhugan, cidina kaaga warramidoonin, Cilmibaadhistii yaabka badnayd ee uu soo bandhigay qarnigii la soo dhaafay.


Xog dheeri ah oo buugga ku saabsan waxaad ka heli kartaa mareegta Lulu.com

Saturday 29 September 2007

Somali Week Festival in London

Oxford House has organised Somali Week Festival. The festival programme in available on Oxford House website.

Thursday 27 September 2007

Gobaad


Anwar Maxamed Diiriye oo ah gabyaa iyo abwaan sameeye ( lexicographer) ayaa isaga oo kaashanaya guddi tafaftireed soo saaray wargeys xilliyeed la yiraahdo Dhaqansidaha Gobaad: Journal of Somali Language, Literature, Culture, History & Social Development. Gorfeyn lagu sameeyey tirsigii ugu horreeyey ee Gobaad ayaa lagu soo saaray RedSea Online

Afafka dabar-go'a ku dhow

Wargeys xilliyeedka World Literature Today waxa tirsigiisa ugu dambeeya lagu soo qoray qormooyin ku saabsan afafka dabar-go'a ku dhow; waxaa ka mid ah afafka Yoruba iyo KyaNgonde oo lagaga kala hadlo dalalka Nayjeeriya iyo Malaawi. Afafka halista ku sugan badankood ma laha far lagu higgaadiyo

Sunday 16 September 2007

Taariikh nololeedkii Marxuum Yuusuf Xaaji Aadan

Waxa dhowaan lagu gardaadiyey magaalada London buug laga qoray " geeddi nololeedkii" Marxuum Yuusuf Xaaji Aadan oo ahaa abwaan, bare iyo barbaariye.
Halkan ka daawo muuqaallo ku saabsan gardaadinta buugga.

Gaarriye oo ka hadlaya af Soomaaliga iyo suugaantiisa

Kani waa muuqaal lagu keydiyey YouTube kuna saabsan maansoyahanka Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).

Qormooyin af Soomaaliga ku saabsan

Waxa jira degello kala duwan oo lagu soo bandhigo qormooyinka af Soomaaliga ku saabsan. Qormadan ayaa aad ii xiise gelisay. Sidoo kale qormooyinkan ku kala saabsan madhxinta af Soomaaliga, af Soomaaliga iyo warfidiyeenka
ayaan wax badan ka korodhsaday.
http://www.somaliland.org/opinions.asp?ID=07091603

Guurowga

Guurowga waxa uu ka mid yahay maansada Soomaalida kuwa aan ugu jecelahay. Waan xusuustaa sida aan u dhegeysan jiray guurowga Maxamed Gacal Xaayow ee Raadiyo Muqdisho laga sii dayn jiray. Qormooyin aan is leeyahay waxa ay sal u noqon karaan baaris ballaaran oo guurowga lagu sameeyo ayaa lagu saaray degelka dalmar.org