Sunday 18 November 2007

HADALKU MARGI MA WADA AHA


O
raahda "hadal waa margi oo kale…' waxa ay ka mid tahay oraahyada la gaarsiiyey heer maahmaah marka la eego sida loogu hal qabsado. Maahmaahda Soomaaliyeed ee oranaysa 'Soomaalidu been waa sheegtaa beense ma maahmaahdo' ayaa la cuskadaa marka la doonayo in aan wax loo sii fiirsan: miro barde duuduubkaa lagu liqaa!

Dulucda curiskan ma aha in lagu gorfeeyo maahmaahyaha Soomaaliyeed ee baal maray runta. Waxa keliya ee curiskani u kuurgeli doonaa waa in oraahda 'hadal waa margi oo kale…' ay dhab tahay ama in ay iyaduba margi tahay.

Weedh qoran ama mid qof ku hadlay waxa lagu tilmaamaa margi marka ay macnayaal kala duwan yeelan karto ( ambiguity). Sidaasi si ka duwan waxa qaba Dr Cali Jimcaale Axmed oo margiyeysnaanta hadalka u arka dabacsanaan ( '…flexibility [and]…sinew-like elasticity) (bogagga 30 iyo 110 buugga Daybreak is near) marka uu falanqaynayo maanso ka mid ah silsiladdii Siinleey.

Ereyada – kuwa qoran iyo kuwa lagu hadlayba—qaarbaa yeelan kara tilmaamaha margiga. Qaar kuma nagaadaan marginimada ka dib marka dadka ereyadaa lehi ay caddeeyaan waxa ay ula jeedaan; qaarna kama baxaan marginimada caddayn la'aan awgeed.

Waxa jira maansooyin Soomaaliyeed oo laga dhex heli karo tuducyo akhristaha ama dhegeystuhu siyaabo kala duwan uu u macnaysan karo. Dhibaatooyin la xiriira tarjumidda ayaa soo ifbaxa marka la tarjumayo weedh – tix ama tiraab tii ay doonto ha noqoto—macnaheedu uusan caddeyn. Haddii dib aan ugu noqonno tusaalaha ku saabsan falanqeynta silsiladdii Siinleey, Dr Cali oo tarjumaya tuducyo ka mid ah maanso uu tiriyey abwaanka Cabdi Aadan ( Cabdi Qays) kuna socota Alle ha u
naxariistee Xaaji Aadan Axmed "Af-qalooc" waxa uu qoray sidan:

Nin Sagaashan jirayoo hadal seegay weeyee"
'Words are lost on a 90-year old man' (tarjumaddii Dr Cali Jimcaale Axmed).

Dr Cali oo iftiiminaya duurxulka Cabdi Qays—waa haddii uu Cabdi Qays u duurxulay Eebe ha u naxariistee Xaaji Aadan Afqallooc—waxa uu qoray"…Cabdiqays oo tilmaamaya micnayarida da'ada Af-qallooc oo laga yaabo inay muujinayso asaasaqnimo' ( "…Qays mocks Af-qallooc's years
as a possible sign of senility…" ( bogga 113). Ereyada laga soo qaaday maansada Cabdi Qays waa kuwo leh tilmaamaha margiga. Cabdi Qays oo keliya ayaa caddayn kara macnaha dhabta ah ee "nin Sagaashan jirayoo hadal seegay weeyee"—oday asaasaq ah ama oday hadal da'diisa aan ku
sargo'neyn yiri.

Maahmaahyo ama gabayo hore loo tiriyey ayaa hadallada qaarkood macnayaal badan u yeeli kara. Waa suurtogal in Dr Cali Jimcaale Axmed uu asaasaqa (senility) ka dhex helay gabaygii Qamaan Bulxan oo tuducyadani ka mid yihiin:

Caliyoow da'daan ahay waqaa looma duurxulo e
Duq gaboobey iyo wiil yar baa loo dedaa hadale

Gabowga waxa ku mataanaysan waaya-aragnimo iyo talo-ruugnimo, halka dhallinyaranimadu ay la bah tahay fudaydka—'labataan jir intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa.' Ma maahmaahyaha ayaa mudnaanta la siinayaa mise gabayaaga marka la macnaynayo ereyo ka mid ah gabay oo macneyaal badan yeelan kara? Mise sida bulshada markaa nool ay u aragto heerarka kala duwan ee da'da qofka iyo kartida la socota? Waxa aan filayaa in weydiimahani ka badbaadaan tilmaamaha margiga.

©L.A.

1 comment:

Seid Abdillahi Abdi said...

Turjumaan baan ahay waxbarashadiisu afka tahay. Waan xiiseeyay maqaalkaagan.HADAL WAA MERGI! Waa odhaah caanbaxday oo lagu soo halqabsado adba sidaad sheegtay. Waxa se aan ku xusuusinayaa in tiraabtaas la keeni karo mid burisa, marka bulshadu u sii kuurgasho barashada afka. Waxaan haatan ku qoray www.tiraab.blogspot.com.
NIN SAGAASHAN JIROO HADAL SEEGAY WEEYAANE! Sida aan qabo, wuxuu u jeedaa,nin sagaashan jira,in murti laga fisho iyo xog waaya-aragnimeed,wuu se seegay dheheedii..
"He is ninety year-old who missed the point!"