Sunday 20 July 2008

Telefishinka Universal iyo kaalintiisa isku dirka qabiillada Soomaalida

Telefishinka Universal ayaa soo daabacay sheeko cinwaankeedu yahay: Puntland Oo Rag Ka qabqabatay Degmada Guriceel Ee Galgaduud. Markii aan sheekadii akhriyey waxa aan ogaaday in aan rag laga qabqaban Guriceel waayo waxa ay sheeko wareedka Universal TV xustay in "hor[r]aantii todobaadkan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland dhinaca waqooyi magaalada Gaalkacyo ka qab qabteen dhal[l]inyaro gaadheysa illaa sagaal ruux, kuwaasoo lagu sheegay in ay ahaayeen arday semenaar u socotay, balse maamulka Puntland ayaa ku eedeeyey in ay ammaanka caqabad ku ahaayeen."
Goorma ayaa la rumeysan kara Universal TV? Ma marka uu sheegayo in dhallinyarda laga qabqabtay Guriceel mise marka laga qabqabtay waqooyiga Gaalkacyo? Waa arrin warbaahintii dhowraysa anshaxa warfaafinta ay raalli galin ka bixiso.

2 comments:

Anonymous said...

Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in ad hawada ku soo laabataan, waxaan u bartay oo an waliba u boggay sida diiran ee ad af Soomaaliga u tixgalisaan oo ad u barbaarisaan. Runtii, waa wax kuligeen na wadasaaran in af Soomaaliga la hormariyaa, la kobciyaa, la barbaariyaa, la saxaa, laga dhiggaa waxyaalaha ugu horeeya ee dadku xushmeeyaan. Waxaad haysaan hawl wax ku'ool ah oo u faa'iidaynaysa dad badan oo Soomaali ah oo an anigu an ka mid ahay. Waxaan dhigan jiray Hoose Dhexe Dhamme Yaasiin Cartan ee degmada Madiina oo waxaan ku han-weynaa in an galo Dugsida Sare ee Baarbe ee isla degmada Madiino. Nasiib-darro, dagaal baa dhacay.

Anonymous said...

Universal TV wuxuu doorbidday innuu dadka isku diro sida ay warbaahinta reer Galbeedku isugu diraan dadka kala aaminsan fikrahada kala ah qunyar socodka iyo xagjirka (liberal and conservatism) haddii an taas tusaale ahaan u qaadan karno. Marka waa mawduuc lacag iyo dhaqaale lagu soo hirgalinayo maaddaama aysan jirin cidkale oo kharash ku bixisaa iddaacaddahaas.