Friday 3 April 2009

Tarjumidda weero af Ingiriis ah

Waa run in erey walba oo af Ingiriis ah loo rogi karin af Soomaali. Miyay tahay suurtogal inay jiraan weero af Ingiriis ah oo aadan af Soomaali u rogi karin? Miyaa Labadan weerood ee soo socda ee uu soo bandhigay Dr John Caney, qoraha buugga The modernisation of Somali vocabulary, with particular reference to the period from 1972 to the present (1983) loo rogi karaa af Soomaali?

1-I hope that he does not go to Hargeysa.

2-I hope that he did not go to Hargeysa.

1 comment:

AbdulQayyum said...

Haa way ila tahay labadaas julmadood loo rogi karo af Soomaali:

1: Waxaan rajeynayaa in uusan Hargeysa tageynin (Present Tense).

2: Waxaan rajeynayaa in uusan Hargeysa tagin (Past Tense).


Aniga sidaas ayay iigu muuqataa, laakiin in aan qaldanahay baa dhici karta.

Af Soomaaliga in la daba-qabto waa muhiim, waana hawl u baahan in lagu bixiyo dadaal iyo karti dheeraad ah. Af Soomaaliga iyo naxwahiisa waxaa aad u yaqaana Qoraa wax ku ool ah oo la yiraahdo Siciid Cabdullahi Cabdi iska mar ahaantaasina Degel ku leh barta Internet-ka. Waxay ila tahay in aad dhinacyo badan oo la xirriira Af Soomaali iska kaashan doontaan, sidaas aawadeed aan Cinwaanka Degelkiisa idiin dhaafo; waana sidan hoose:

http://af-haaneed.blogspot.com