Friday 31 August 2007

Laanta af Soomaaliga ee BBCda iyo Xarfaha Labalaabma

Tarjumaha ama qoraha sheeko lagu soo saaray mareegta Laanta Af Soomaaliga ee BBCda ayaa soo bandhigay hab cusub oo loo higgaadsho ereyga aan la hubin in xaraf labalaamba uu ku jiro iyo in kale. Cinwaanka sheekadu waa: "QM oo u diraysa gudi xaqiiqo raadis Ethiopiya."
Sida muuqata ereyga guddi looma higgaadin si hagaagsan. Hase ahaatee markii aan akhrinayey sheekada waxa igu soo baxay ereygii oo si hagaagsan loo higgaadshay:
"Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay qorshaynayso in guddi xaqiiqo raadis ah ay u dirto deegaanka Soomaalida ee Ethiopia si ay u soo eegaan xaaladda ka taagan gobolka."
Magaca dalka Itoobiya waxa loo higgaadshay seddex siyood oo kala duwan:
1-Ethiopiya
2-Itoobiya
3-Ethiopia

Taa waxaa dheer qoraha sheekadaa oo astaameynta ( punctuation marks) siduu doono u adeegsanaya. Waxaan mararka qaarkood isweydiiyaa weydiintan: Ma la hubiyaa in dadka shaqada ka soo doonta Laanta af Soomaaliga ee BBCda ay af Soomaaliga u adeegsan karaan hawl- warbaahineed?

No comments: