Monday 13 August 2007

Laanta af Soomaaliga ee Codka Maraykanka

Inkastoo Laanta af Soomaaliga ee Codka Maraykanka( Voice of America) aanay weli xusin sanadguurada koowaad ee markii ay hawada soo gashay, tayada af Soomaaliga lagu qoro sheekooyinka iyo faallooyinka lagu soo saaro degelka Laanta way sarreysaa. Marka keliya ee aan is iri hawlwadeenka Laanta uma sii fiirsan shibbaneyaasha labalaabma waa intii aan akhrinayey sheeko ku saabsan xadgudubyada aadanaha. Cinwaanka sheekadaa waa: "Dhinacyada Soomaaliya Isku Hayya oo Xadgudubyo Xuquuqda Aadanaha ah Lagu Eedeeyey". Lama socdo goorta shibbanaha Y lagu soo biirshay shibbaneyaasha labalaabma. Idaacadda Codka Maraykanka waxay isu taqaan inay tahay 'Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka'. Waan hubaa in qoraha Laanta uusan dhihin 'xaga'. Uma uu qorin ereygaa sida uu u codeeyey.

No comments: