Sunday 16 December 2007

Qorista af Soomaaliga ma aha qabyo

Waxaan qormadan ku lafagurayaa dood ku saabsan qabyonimada af Soomaaliga oo qoraaga Ibraahin Yuusf Axmed (Ibraahin Hawd) ku soo bandhigay mareegta redsea online. Ibraahin wuxuu rumeysan yahay in “qabyannimada qoraalka af soomaaliga marka aynu ka hadlayno ugu horraynba eedda waxaynu dhabarka u saaraynaa far soomaalida oo aan maalintii la hirgeliyey ka dib wax horumarin ah, wax turxaanbixin ah iyo wax cilmibaadhis ah lagu samayn, hawlahaas oo haddii la qaban lahaa dhaliilo badan oo maanta jira lagu fardaamin lahaa.” Cilmi baaris badan ayaa lagu sameeyey dhinacyo kala duwan oo af Soomaaliga ku saabsan. Waxa jira buug lagu soo ururiyey tixraaca cilmi baarista af Soomaaliga; waxa la soo saaray buuggaa muddo hadda laga joogo dhowr iyo toban sano. In maanta lagu dhiirrado in af Soomaaliga la baro shisheeyaha waxa kaalin weyn ku leh macallin Guush ( B. W. Andrzejewski), Joon Ibraahim Saciid iyo cilmi baareyaal kale. Waxa cilmi baareyaal afeed oo macallin Guush ka mid yahay qireen in af Soomaaligu muddo yar ku gaaray horumar afafka kale ku qaatay dhowr qarni. Taa loolama jeedo in af Soomaaliga dhammaystiran yahay. Ibraahin wuxuu xusay in dhibaatooyinka af Soomaaliga soo foodsaaray ka mid yihiin:






1)af soomaaliga eraydiisa oo aan la isla wada aqoon mar haddii aan qaamuus lagu koobin; 2) kala duwanaanta dhawaaqyada af soomaaliga oo aan qoristooda xeer laga dejin; 3) farta loo doortay in wax lagu qoro oo haddana adeegsigeeda lagu kala duwan yahay mar haddii aanay lahayn halbeeg lagu wada khasban yahay.

Waa la soo saaray qaamuusyo kadib qoristii af Soomaaliga. Erayada lagu soo ururiyey ma badna, weydiintuse waa: yaa koobi kara ereyada af leeyahay? Waxa jira ereyo isku si loo qoro, si kala duwanna loogu dhawaaqo. Tusaale ahaan beer, inan iyo awr. Ma cadda in Ibraahin ereyda noocan ah madaxa ku hayo marka uu sheegayo in “kala duwanaanta dhawaaqyada af soomaaliga … aan qoristooda xeer laga dejin.”

Ibraahin wuxuu kuu doodayaa in afafka shisheeyuhu dhibaato u geysteen af Soomaaliga. “Af carbeedka oo af soomaaliga deris la ah xidhiidh xooggan la leh ayaa ka mid ah afafka soomaaliga aad u saameeyey, kaas oo erayo badan oo jiray ka takhallusay kuwo kale oo badanna soo kordhiyey. Afafka Yurub oo iyaguna muddo dheer dhulka soomaalida ka talinayey ayaa iyaguna af soomaaliga dhirbaaxooyin kulul la dhacay.” Haddii aad tahay akhriste aan jeclayn in ereyo shisheeye soo dhexgalaan af Soomaaliga , waad u riyaaqaysaa ereyada Ibraahin inta uu aragtidaa ku dheggan yahay. Markiiba wuu isbeddelay oo wuxuu u dooday sidan: “Taas macnaheedu ma aha afafkaas aynu ka soo hadalnay saamaynta ay af soomaaliga ku yeesheen mar walba in ay xumayd. Run ahaantii erayo aad u badan oo aan af soomaaliga ku jirin ayey afafkaasi soo kordhiyeen, taas oo hodantinnimo u noqotay.”

Ibraahin wuxuu qabaa in loo baahan yahay “ eray-bixin firfircoon oo lagaga maarmo afka qalaad siiba xagga fekerka, cilmiga iyo farsamada cusub, kuwaas oo cidhiidhi weyni inaga haysto.” Eray-bixinno kala duwan—sayniska, siyaasadda, arrimaha bulshada, sharciga, dhaqaalaha iyo maamulka—ayaa la sameeyey. Dal soo koraya haddii uu horumarin u duubto waa lagama maarmaan in fekerka iyo farsamada fiican meeshii laga heli karo laga soo qaato. Waa arrin si fudud loo arki karo haddii dib loo eego taariikhda waxbarashada Soomaalida intii u dhexeysay 1972kii-1990kii.

Arrin xiise leh oo Ibraahin qomradiisa ku xusay ayaa jirta. Waa ereyda siyaabo kala duwan loogu dhawaaqo ama loo yaqaan marka la tago deegaanno kala duwan. Waxaa ereyadaa ka mid ah xiriir, xidhiidh, baraare, badhaaadhe, sanuunad iyo suugo. Ereyadan qaarkood waa kuwo laga soo amaahday afaf shisheeye. Ibraahin wuxuu soo jeedinayaa in la keeno xaraf seddexaad oo aan r ama dh ahayn --xiriir, xidhiidh-- haddii la doono si kala duwan ha loogu dhawaaqo ereyaga marka la qoro. Haddii madaxbannaanidaa ku dhawaaqis qofka la siinayo maxaa la isugu howlayaa samaynta xaraf seddexaad? Maxaa dhacaya haddii labada dhawaaq sidooda loo haysto oo loo arko inay muujinayaan hodontinnimada af Soomaaliga? Ereyo isku macno ah oo uu Ibraahin u arko in qoraal ahaan iyo dhawaaq ahaan kala duwan yihiin ayaa jira. Waxaa ka mid ah wax iyo walax. Markii manhajka waxbarashada lagu dejiyey af Soomaali walax waxay yeelatay macne sayniseed sida tusaalahan ka muuqda: Walax ayaa cufkeedu yahay seddex kiiloo-garaam.

Inkastoo qormada Ibraahin ay kooban tahay, waxa ay taabanaysaa dhinacyo kala duwan sida naxwaha af Soomaaliga . Waana halkan meesha ay si cad uga muuqanayso in Ibraahin naxwaha u fahamsan yahay si ka duwan sida naxwaha af Soomaaliga loo qoray. Ibraahin wuxuu xeeriyey xeer uu isagu dejiyey oo ornayaa:


Afka waxaa ku jira eray muujiya ahaansho, sida waan harraaddan ahay, waad xanaaqsan tahay, wuu dhiirran yahay, waa ay qurxoon tahay, waa aynu badan nahay, waad faraxsan tihiin iyo waa ay tuban yihiin. Sida aynu aragno qodobka ahaanshuhu mar walba wuxuu u qormayaa gooni, umana baahna in sifada ka horraysa lagu daro oo la dhaho: harraaddanahay, xanaaqsantahay, dhiirranyahay, qurxoontahay, badannahay, faraxsantihiin iyo tubanyihiin. Waxaase jirta marar ay taasi adkaanayso, waxaana ka mid ah marka ay sifada ka horraysaa ku dhammaato xarafka sh ama d ama lahaansho. Jumladda ah geed ubax leh haddii aynu rogno oo lahaanshaha dhexda gelinno waxay noqonaysaa geedku ubax buu leh yahay. Sow ma aha? Haddana sida aynu aragno erayga leh markii uu dhexda galay wuu adkaaday wuxuuna isu rogay lee waayo xarafka marka uu halkaas ku jiro dhawaaqa ayaa diidaya sidaas darteed wuxuu isu rogayaa e. Haddiise lee loo qori lahaa naxwaha afka ayaa diidaya waayo waa eray aan jirin Dabadeed waxaad arkaysaa iyada oo ceebtaas lagu qarinayo in ahaanshaha la raaciyo oo la qorayo leeyahay. Taasi mar waxay meesha keenaysaa eray aan jirin oo ah lee, mar kalena waxay jebinaysaa xeerkii qoraalka loo raacayey ee ahaa ahaanshaha in goonidiisa loo qoro.

Ahaanshuhu qodob ma aha. Kala qoridda ahaanshaha iyo ereyaga uu la socdo waxa ay xiran tahay sida ereyga loogu dhawaaqo iyo dhererka ereyga marka la isku daro. U fiirso labadan tusaale:


Waan fiican ahay.
Waan fiicanahay.

Haddii la raaco sida Ibraahin ku talinayo weedha hore dhawaaqeedu lama mid noqonayo weedha labaad. Way jirtaaa mar ay wacan tahay in sida Ibraahin ku taliyey ereyada qaarkood loo qoro iyada oo kala qaadayo falka ahaansho iyo sifada. Tusaale: waad xanaaqsan tahay.

Isbeddelka ‘leh’ ku dhacay—‘geed ubax leh’ waxa keenay dhismaha weedha cusub. Weedh kasta si gaar ah ayey u saameysaa sida loo qorayo ereyada qaarkood. Markaa ‘lee’ ma aha erey cusub. Tusaale kale oo ahaanshaha ku saabsan ayuu Ibraahin soo qaadanayaa:


Ahaanshaha iyo sifadu marka ay israacaan iyaga oo dheddig ayaa iyaduna ah cillad aan labadaas qodob lagu kala maarayn karin. Tusaale: dhuxushu waa ay nooshahay. Sida muuqata sifada iyo ahaanshaheeda ma kala goyn karro oo ma qori karro sida ay naxwe ahaan saxa ku tahay oo ah: dhuxushu waa ay nool tahay.

Tusaalahan danbe wuxuu Ibraahin ku buriyey dooddiisa ah kala qaadista sifada iyo ahaanshaha waayo isbeddelka dhawaaq ee ka muuqda nooshahay ma aha cillad. Ahaanshaha ka muuqda xanaaqsan tahay, fiican ahay—waa marka sida Ibraahin uu ku taliyey aan kala qaado— wuu ku dhex milmay nooshahay. Waa sababta aan loo qorayn nool tahay. In Ibraahin isbeddelkaa dhawaaq u arko cillad ma bannaana waayo wuxuu qormadiisa akhrsitayaasha ugu sheegay “af soomaaliga dhismihiisa iyo taddawurkiisa ma aha in la farageliyo oo sidii la doono loo qaabeeyo ee waa in loo raacaa sida uu isagu dabci ahaan isu abuuro ee isu qaabeeyo.” Naxwufu kama horreeyo afka. Naxwe qoruhu xogta uu xeerarka afeed ka soo dhiraan-dhirinayaa waa hadalka dadka . Haddii dadka afkooda la baarayaa ay yiraahdaan ‘nooshahay’, halkee ka yimid naxwaha u arka ‘nool tahay’ mid sax ah?

Erayada qaar xaraf weyn lagu bilaabo marna xaraf yar lagu bilaabo ayaa jira, sida Ibraahin xusay. “Haddii ay tahay xeer la isla wada yaqaan marka farta laatiinka la adeegsanayo in magaca gaarka ah xarafka ugu horreeya la weyneeyo, sida Soomaaliya iyo Afrika, miyaa la weynaynayaa cidda magacaas hoos timaadda sida nin soomaaliyeed iyo dawlad afrikaan ah?” ayuu Ibraahin ina weydiiyey. Warcelintu waa ‘haa, waa la weynaynayaa’ oo waxaa loo qori nin Soomaaliyeed iyo dawlad Afrikaan ah waayo xeerarka qoraal ayaa oggolaanaya in la weyneeyo xarafka ugu horreeya magaca gaar ama guud meeshuu doono weedha ha kaga jiro.

Qorista af Soomaaliga ma aha qabyo. Waxa qabyo noqon kara waa aqoonteenna xeerarka qoraal ama naxwaha af Soomaaliga. Wadaagista cilmi baarista af Soomaaliga iyo abaabulidda doodo ku saabsan af Soomaaliga ayaa kaalin ka qaadan kara kobcinta aqoonteenna afeed iyo tayada af Soomaaliga wax lagu qoro.

No comments: