Saturday 29 December 2007

Qorista af Soomaaliga: Falcelis

Dhowr cisho ka hor waxa degelkan ku soo baxay qormo aan ku eegayey dood qiime leh oo uu soo bandhigay qoraha Soomaaliyeed ee Ibraahin Yuusuf Axmed (Hawd). Ibrahhim waxa dooddiisa lagu soo saaray mareegta redsea-online.com.
Ibraahin wuu soo rogaal celiyey isaga oo doonaya in uu ka faalloodo sida looga falceliyey dooddii uu oogay, waxana uu rumeysan yahay in dooddiisii ay iimo ila yeelatay, hase ahaatee aan muujin kari waayey caddaymo ku saabsan waxa aan dhaliilay markii aan qormadiisa akhriyey. Ibraahin wuxuu qoray:
Liibaan Axmad wuxuu qabaa saddexdaas dhawaaq oo dhigaalkooda la dooriyaa in ay dadka afafka reer yurub wax ku bartay ku adkayn lahayd in ay af soomaali ku higgaadiyaan.


Ma aqaan meesha uu Ibraahin hadalkaa ka soo dheegay. Qormadayda waxa ay xoogga saaraysay muujinta sida aan ugu haftay bareerayaashiisa afeed ee isburinaya. Tusaale, Ibraahin wuxuu qoray:
Intii ka horraysay oktoobar sannadkii 1972 af soomaaligu ma uu qorrayn, sidaas darteed nabarrada ay afafka kale ee qorani la dhacayeen aad ayey u darraayeen, dhaawacyo ba’an oo ay u gaysteen ayaana maanta jidhkiisa ka wada muuqda.
af carbeedka oo af soomaaliga deris la ah xidhiidh xooggan la leh ayaa ka mid ah afafka soomaaliga aad u saameeyey, kaas oo erayo badan oo jiray ka takhallusay kuwo kale oo badanna soo kordhiyey. Afafka Yurub oo iyaguna muddo dheer dhulka soomaalida ka talinayey ayaa iyaguna af soomaaliga dhirbaaxooyin kulul la dhacay.


Waxa haddana uu qoray:

Taas macnaheedu ma aha afafkaas aynu ka soo hadalnay saamaynta ay af soomaaliga ku yeesheen mar walba in ay xumayd. Run ahaantii erayo aad u badan oo aan af soomaaliga ku jirin ayey afafkaasi soo kordhiyeen, taas oo hodantinnimo u noqotay.
Ahaanshaha iyo sifadu marka ay israacaan iyaga oo dheddig ayaa iyaduna ah cillad aan labadaas qodob lagu kala maarayn karin. Tusaale: dhuxushu waa ay nooshahay. Sida muuqata sifada iyo ahaanshaheeda ma kala goyn karro oo ma qori karro sida ay naxwe ahaan saxa ku tahay oo ah: dhuxushu waa ay nool tahay.


Gabagabada qormadiisa waxa uu Ibraahin u dooday sidan:

...af soomaaliga dhismihiisa iyo taddawurkiisa ma aha in la farageliyo oo sidii la doono loo qaabeeyo ee waa in loo raacaa sida uu isagu dabci ahaan isu abuuro ee isu qaabeeyo.

Sidee buu Ibraahin 'nool tahay' erey naxwaysan ugu arkaa haddii aysan ka mid ahayn "af soomaaliga dhismihiisa iyo taddawurkiisa"? Sow faragelinta uu Ibraahin sheegayo ma aha arrintan?

1 comment:

Anonymous said...

Maqaal aad u xiiso badan. Waa macluumaad runtii ay u baahan yihiin in ay ka faa'iidaystaan qolyaha qora ama tifaftira mareegaha Soomaaliyeed oo qaarkood ay tayada qoraalkoodu aad u liidato. Waxa aad sida Dayniile, Somaliweyn iyo kuwa kale oo badanba aad ku arkaysaa qormooyin aan hakad, joogsi toona lahayn. Waxa aad isweydiinaysaa sida dadku u akhriyaan Mahadsanid kun jeer.