Friday 31 August 2007

"Dhimaalka af Soomaaliga"

Abwaan Siciid Saalah ayaa warqad xiise leh oo ku saabsan af Soomaaliga ka akhriyey Shirka Cilmi Baarista Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Ohio ee dalka Maraykanka. Mareegta www.bartamaha.com ayaa si maqal iyo muuqaalba leh u soo gudbinaysa doodda abwaan Siciid Salaax shirka la tagay.

Laanta af Soomaaliga ee BBCda iyo Xarfaha Labalaabma

Tarjumaha ama qoraha sheeko lagu soo saaray mareegta Laanta Af Soomaaliga ee BBCda ayaa soo bandhigay hab cusub oo loo higgaadsho ereyga aan la hubin in xaraf labalaamba uu ku jiro iyo in kale. Cinwaanka sheekadu waa: "QM oo u diraysa gudi xaqiiqo raadis Ethiopiya."
Sida muuqata ereyga guddi looma higgaadin si hagaagsan. Hase ahaatee markii aan akhrinayey sheekada waxa igu soo baxay ereygii oo si hagaagsan loo higgaadshay:
"Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay qorshaynayso in guddi xaqiiqo raadis ah ay u dirto deegaanka Soomaalida ee Ethiopia si ay u soo eegaan xaaladda ka taagan gobolka."
Magaca dalka Itoobiya waxa loo higgaadshay seddex siyood oo kala duwan:
1-Ethiopiya
2-Itoobiya
3-Ethiopia

Taa waxaa dheer qoraha sheekadaa oo astaameynta ( punctuation marks) siduu doono u adeegsanaya. Waxaan mararka qaarkood isweydiiyaa weydiintan: Ma la hubiyaa in dadka shaqada ka soo doonta Laanta af Soomaaliga ee BBCda ay af Soomaaliga u adeegsan karaan hawl- warbaahineed?

Thursday 30 August 2007

Maay Script

I stumbled on an interesting essay on Somali
Maay script.

Monday 13 August 2007

Laanta af Soomaaliga ee Codka Maraykanka

Inkastoo Laanta af Soomaaliga ee Codka Maraykanka( Voice of America) aanay weli xusin sanadguurada koowaad ee markii ay hawada soo gashay, tayada af Soomaaliga lagu qoro sheekooyinka iyo faallooyinka lagu soo saaro degelka Laanta way sarreysaa. Marka keliya ee aan is iri hawlwadeenka Laanta uma sii fiirsan shibbaneyaasha labalaabma waa intii aan akhrinayey sheeko ku saabsan xadgudubyada aadanaha. Cinwaanka sheekadaa waa: "Dhinacyada Soomaaliya Isku Hayya oo Xadgudubyo Xuquuqda Aadanaha ah Lagu Eedeeyey". Lama socdo goorta shibbanaha Y lagu soo biirshay shibbaneyaasha labalaabma. Idaacadda Codka Maraykanka waxay isu taqaan inay tahay 'Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka'. Waan hubaa in qoraha Laanta uusan dhihin 'xaga'. Uma uu qorin ereygaa sida uu u codeeyey.

Sunday 12 August 2007

A Linguistics Bibliography of the Somali Language

Linguists researching different aspects of Somali language always face the daunting task of locating seminal papers on Somali language. Dr M.Diriye Abdullahi, a Somali linguist, has compiled a useful linguistics bibliography of the Somali language.

Kumuu ahaa Macallin Guush?

Shisheeyaha lagu xusuusto barashada iyo horumarinta af Soomaaliga waxaa ka mid ah afyahanka mootan ee Bogumil Witalis Andrzejewski oo Soomaalida badankeed u taqaan macallin Guush. Afyahanka Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo ayaa qoray qof-ka-hadal (biography) kooban oo ku saabsan noloshii iyo halgankii horumarinta af Soomaaliga ee B. W. Andrzejewski.

Fannaanad u dhalatay Norway oo ku luuqaysa heeso Soomaaliyeed

Gabar u dhalatay dalka Norway oo ku luuqaysa heeso Soomaaliyeed ayaa la weydiiyey in barashada af Soomaliga ay adag tahay. Waxay tiri: "aad iyo aad". Ka bogo heestan oo ku keydsan youtube. Xiriirinta heesta waa.