Wednesday 31 October 2007

Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida

Waxa toddobaadkii hore lagu soo gabagabeeyey magaalada London waxqabadyo dhaqameed oo socday toddoba maalmood. Cabdillaahi Cawed Cige ayaa si kooban u dulmaray Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee lagu qabtay Oxford House, bariga London.

Tuesday 30 October 2007

Abwaanka Cudurrada Dadka iyo Duunyada

Mustafa xariir oo qoray dhawr buug oo ku saabsan caafimaadka ayaa gorfeynaya Abwaanka Cudurrada Dadka iyo Duunyada oo uu qoray Cabdiraxmaan Faarax ( Barwaaqo).

Monday 29 October 2007

Madaxweyne Yuusuf oo xilkii ra'iisal wasaaraha loo dhiibay!

Haddii aad is lahayd suxufiyiinta Soomaalida dhammaanteed way muujin karaan sida af Soomaaliga u maareyn karo isbeddelada siyaasadda, waad ku hungowday. Maanta ayaan tagay mid ka mid mareegaha af Soomaaliga lagu qoro. Waa dayniile.com
War aanan u fadhin baan kala kulmay. Madaxweynaha Soomaalida ayaa xilkii ra'iisal wasaaraha loogu daray kan uu hadda hayo. Ka bogo warkaa oo cinwaankiisu sidan u qoran yahay: "Salim Aliyow Ibrow oo madaxweyne Yuusuf ugu dhiibay in uu sii noqdo Raiisal wasare kumeel gaar ah."

Sunday 28 October 2007

Waxbarashada Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

Kaalin mug weyn ayay ururrada samafalku ka qaataan waxbarashada deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Mareegta wardheernews ayaa warbixin faahfaahsan arrintaa ka diyaariysay.

Sunday 14 October 2007

Shibbaneyaasha Laba-laabma ee Af Soomaaliga

Sida Soomaalida dhib ballaaran uga soo gaaray dagaalka sokeeye iyo wada-burburka ayaa afka Soomaaliguna dayac la taahayaa. Waxa aan maqli jirey dadka oo yiraahda ”xoolo iyo ninkii lahaa way is raaceen.” Haddii aan maahmaahdaa murtideeda ka shidaal qaato waxaan oran karaa : “ af iyo dadka leh way is raacaan.”
Inkastoo aan waxbarashadii dugsiga hoose iyo tii sareba ku soo qaatay afka hooyo, haddana marka la i weydiiyo weydiin ku saabsan sida af Soomaaliga wax loogu qoro waxan moodi jirey in weydiintaa tahay mid silloon waayo waxaan aamminsanaa in aan af Soomaaliga ku hadlo, sidii aan doonana wax ugu qoro!
Ma fogeyn markii aan ogaaday in aan u baahanahay horumarinta xirfaddayda qoraal ee af Soomaaliga. Fiiro uma yeelan jirin ereyada leh shibbaneyaal laba-laabma. Shibbaneyaasha laba-laabma ee af Soomaaliga waxa lagu soo ururiyey weydiintan: Ma nala garaadbaa? Waan ku rafan jirey xeerka lagu dhaqo shibbaneyaasha laba-laabma iyadoo, codeyn ahaan, ay muuqatay in ereyga aan qorayey uu leeyahay shibbaneyaal laba-laamba.
Ku baraarugga shibbaneyaasha laba-laabma waxa ka dambeeyey maqaallo af Soomaali ku qoran oo aan akhriyey; maqaalladaas waxa qoray qoreyaal Soomaaliyeed oo hannaankooda qoraal kala duwan yahay. Waxaan ogaaday in dhawris la’aanta xeerka shibbaneyaasha laba-laabma uu saamayn aan wanaagsaneyn ku yeesho macnaha waxa la qorayo.

Miyay habboon tahay in dabacsanaan higgaadeed la muujiyo marka la qorayo erey shibbane laba-laabma uu ku jiro? Weydiintan way ku soo noqnoqotaa maankeyga. Way jiraan ereyo Soomaalida siyaabo kala duwan ugu dhawaaqaan hase ahaatee aan saameyn ku yeelan dhawaaqa culus ee muujinya in shibbane laba-laabma uu ereyga ku jiro. Tusaale: ereyga deg waxa Soomaali badan ugu dhawaaqaan una qoraan dag.
Ismaandhaaf ayaa dhasha haddii qof loo sheego in sida uu erey ugu dhawaaqay aanay ahayn si sax ah. Ismaandhaafkaa ma hakiyo oo keliya horumarinta af Soomaaliga ee wuxuu abuuraa dareen ah in Soomaalida qaarkeed isa siiyaan lahaanshaha af Soomaaliga. Ogaanshaha ilaha uu ka dhasho ismaandhaafka afeed ayaa saldhig u noqon kara ka doodista sida loo higgaadiyo ereyada af Soomaaliga. Tusaale: ma waxaad qori oran mise odhan; socdaal mise sodcaal; dawaco mise dacawo.

Ma adka in la isku raaco higgaadinta ereyada af Soomaaliga ee aan laga soo amaahan afafka qalaad. Isku raacistaa waxay noqon kartaa ‘si uun ha loo wada higgaadiyo’ ama ‘ha la oggolaado in qoloba si u higgaadiso haddii qormadu yeelanayn macno kale ama micneyaal badan..’

Mar aan fogeyn waxaan akhriyey buug ku saabsan taariikhda Soomaalida. Qoraha buugga oo ka sheekaynaya xiriirkii qotada dheeraa ee ka dhexeeyey dalkii la oran jirey Dhulkii Udgoonaa iyo Faraaciintii Masar wuxuu qoray:

“Waxay boqoradu u dirtay Soomaaliya wafti watey shan doonyood….”
Ereyega ‘boqaradu’ wuxuu ku saabsanyahay boqoraddii Xatsebshuut ee la sheegay inay booqasho ku timid dhulka Soomaaliyeed waagii loo yiqiin Land of Punt.Shibbanaha laba laabma ee ka maqan ereyga Boqoradu ,-- waa siduu qorahaa buugga aan xiganayo uu u qoray e – ayaa beddelay macnihii iyo majarihii naxwaha. Boqoradu waa dhawr boqor ( kings) haddii lagu daro shibbanaha laba-laamba ee r. Haddii ay iyagu yihiin kuwa diray shanta doonyood waxay weedhaa u qormi lahayd “boqorradu waxay u direen Soomaaliya… “ Qofka ku ad-adag (purist) si wanaagsan u higgaadinta af Soomaaliga waxa markiiba buggaa uga muuqan ilduuf tifaftireed. Adeegsiga ereyada qaarkood waxa fudeeya aqoon dhaqameed. Tusaale: “koorta faraska dhulka lama dhigo” waa weedh sax ah naxwe (grammar) ahaan, balse muujinaysa in aanan wax badan ka aqoon fardaha Soomaalida.
Ereyeda leh shibbaneyaasha laba laabma ee inta badan lagu tunto waxa ka mid ah: dawladda, gaashaandhigga, arrimaha iyo kuwo kale oo badan. Waxa jira ereyo naxwe ahaan fal ah oo laba-laabma mararka qaarkood. Kuwani waa ereyada inta badan keena qalad xagga naxwaha ah. U fiirso weedhan ka mid ka ahayd sheeko lagu soo qoray hoy Internetka ku yaal ( website ).
“ Dilka Soomaalida loo geysanayo ayaad yara moodaa sanadkan labadakun iyo lixda in u carcar tiisa wato.” Sida loo higgaadiyey ereyga mooddaa oo aan sax aheyn ayaa saameyey naxwaha.

“Waxan moodayaa mirihii jannada iyaduna ma oga!” ayuu fannaankii yiri. Haddii qof yiraahdo “waxaad moodaa,” way kuu muuqan in shibbanaha d ee laba-laabma oo maqan dartii ay weedhu aad u maqlayso sidan: ” waxaad moodaa” . Shaki baa ka geli kara in qofka weedhaa yiri uu af Soomaaliga yaqaan iyo in kale. Dhegeheennu uma dulqaataan qaladka ku dhawaaqista erey. Indhaheennu way u dulqaataan. Waayo?
Dareenka noocaas ah ma abuurmo marka erey si aan sax aheyn loo higgaadsho. Ereyada aan ka soo amaahannay afafka shisheeye ee marka lagu dhawaaqo ay muuqato in shibbaneyaal ka mid ah ereyadaas la adkeeyey ama la shedey* marnaba dabacsanaan lagama muujin karo haddii laba-laabista aaney keeneyn in ereygaa dhawaaqiisa uu bedello macnaha weedha ama u ekaado erey af Soomaali ah ee jira. Waxaa ereyadaa ka mid ah ummad oo afka Carabiga aan ka soo amaahannay. Waxa kale oo jira ereyo amaaheed xagga dambe ka laba-laamba: Tusaale: nuqul ( marka jamac laga dhigo waa nuqullo, wasaarad ( marka qodob lagu daro waxay noqotaa wasaaradda).
Way wanaagsan tahay in qoreyaasha, abwaannada, akhristaayaasha iyo dhegeystaasha xil iska saaraan fidinta si wanaagsan wax ugu qorista af Soomaaliga si faca dambe aanay u noqon kuwo nagu xusuusta ku tumashada af Soomaaliga oo far lagu qoro loo dooray sanadkii 1972kii.

"Hagarlaawe"- Diiwaanka Maansada Gaarriye



Waxaa dhowaan la soo saaray diiwaanka maansada Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye". Xog ku saabsan buugga waxaa laga heli karaa mareegta Aftahan.

Wednesday 3 October 2007

Tayada af Soomaaliga qaar ka mid ah mareegaha Soomaalida



Waxaan sawirkan ka soo qaaday mid ka mid ah mareegaha af Soomaaliga lagu qoro. Waxaan isweydiiyey goorta xarafka p lagu soo daray shibbaneyaasha af Soomaaliga. Hampalyo!