Sunday 20 January 2008

Xasan Shiikh Muumin: Abwaan Jeclaa Dalkiisa iyo Dadkiisa


Allaha u naxariisto Xasan Shiikh Muumin wuxu ahaa abwaan Soomaaliyeed oo raad lama illoobaan ah kaga tagay fanka Soomaalida. Waan yaraa markii aan magaca abwaanka bartay. Heeso badan oo uu curiyey oo laga sii dayn jiray Raadiyo Muqdisho ayaa ii fududeeyey inaan wax ka ogaado hal-abuurkiisa. Dugsiga sare markii aan soo gaaray ayaan si wanaagsan wax uga sii ogaaday baaxadda hal-abuurka marxuum Xasan Shiikh Muumin. Buugga suugaanta ee fasalka seddexaad ee dugsiga waxa qeybta ugu dambeysa—waa buugga barkii—lagu baran jiray riwaayadda Shabeel Naagood.

Waan akhristay haasaawaha iyo heesaha riwaayadda ku jira; wax ka gartay kaalimaha jileyaasha. Calaacalka gabadha Shebeel Naagood meesha xun dhigay ( Shamado) ayaan ka xusuustaa ereyadan:

War ma intaad i balaysay
Oo bahdii aan ka dhashay
Iyo baradii iga saartay
Labadayda boqnood
Aad billaawe ku goysay
Oo boraan dheer iga tuurtay …

Waxa kale oo aan xusuustaa heesta caanka ah ee Gorayada Ilmaheeda oo si gaar ah uga mid ahayd manhajka maaddada af Soomaaliga. Markii dambe ee aan isla helay cajalad ay riwaayaddu ku duuban tahay iyo buugga lagu qoray riwaayadda, waan ka sii bogtay.

Marxuum Xasan Shiikh Muumin ma uu curin jirin heesaha riwaayadaha la socda oo keliya. Waxa uu leeyahay heeso dal-jacayl iyo dardaaranba ku dheehan yihiin. Ereyada heesahaa waxa ka mid ah hees uu kula dardaarmayey kuwa xilka haya:

Nin dalkiisa xaasiday xagluhuu is gooyey
Xilka lagugu aaminay dadku yaanu kugu xaman

Waxa heestan—haddii xusuustaydu hagaagsan tahay-- ku luuqayn jirtay Maryan Cali Muuddey. Hees kale ayaa jirtay oo lixdamaadkii uu sameeyey Marxuum Xasan Shiikh Muumin oo muujinaysa ka warheyntiisa waayaha nololeed ee dadka iyo waxa loo baahan yahay si loo gaaro isku-filnaansho. Waxa ereyada heestaa oo kooxdii Raadiyo Muqdisho la oran jiray si wadajir ah ugu luuqaynayeen, abwaankuna marka muusiqa la hakiyo uu ereyo heesta ka mid ku tiraabayey muusiq la’aan, ka mid ah:

Dhaqaalaheenna dheelliyaaya waa inaan dhisnaa

Ereyada abwaanka heesta ka dhex yiri waxaan ka xusuustaa:

Dhunkaal weeye gaajadu….

Waxaa xusid mudan in Macallin Guush (B. W. Andrzejewski ) uu af Ingiriis u tarjumay Shabeel Naagood. Margaret Castagno oo 1975kii gorfaynaysay riwaayadda waxay xustay in

Af Soomaaliga la qoray 1972kii, ka hor lama qori jirin riwaayadaha. Waxa lagu curin jiray af Soomaali. Tuducyada maanso ee riwaayadda waxa far u gaar u ku qori jiray riwaayad sameeyaha , qeybaha riwaayadda waxa xafidi jiray jileyaasha oo kaashanaya riwaayad sameeyaha. Maansada Soomaaliyeed oo leh qaab-dhismeed adag iyo daawadayaasha Soomaaliyeed oo dhuuxa maansada awgood waa arrin waxtar weyn leh in maansada ka mid ah riwaayadaha loogu celiyo sida riwaayad sameeyuhu u curiyey. Shabeel Naagood waxay taabanaysaa xurmo-darrida dhallinyarada magaalada u hayaan guurka. Riwaayaddu waxay ahayd mid lagu guulaystay oo dad badan daawadeen oo sida uu Andrzejewski sheegay
“ keentay in ciidan boolis oo xoojin ah la dalbado si wax looga qabto baabuurtii badnayd ee waddooyinka xirtay iyo dadkii ku xoomay meesha tikidhada riwaayadda laga iibsado.”

Shabeel Naagood waxay ka mid noqotay manhajka suugaanta Afrika ee laga dhigo Jaamacado badan. In hal-abuurka marxuun Xasan Shiikh Muumin loo bandhigo malaayiin dad oo aan af Soomaaliga aqoon waxaa suurto-geliyey Macallin Guush ( B. W. Andrzejewski) oo af Soomaaliga iyo daka ku hadla jeclaa. “Xasan Shiikh Muumin waa maansoyahan, riwaayad sameeye, weriye iyo jilaa laga yaqaan dhulalka dadka af Soomaaliga ku hadla deggan yihiin ee waqooyi-bari Afrika,” ayay Margaret Castagno ku soo gunaannadday gorfeynta. Hal-abuurka marxuum Xasan Shiikh Muumim oo ah mid baaxad weyn ayaa ah mid hal-abuureyaasha Soomaaliyeed oo maanta nool iyo kuwa soo socdaba higsan doonaan.

Saturday 19 January 2008

Ma dagan tahay mise way daggan tahay xaaladda?

Waxa jira ereyo siyaabo kala duwan loogu dhawaaqo sida deg. Dadka qaar baa ereygan u qora dag. Kii la doono ha la adeegsado labada erey, waxa aan laga dulboodi karin xeerka laba laabista xaraf haddii deg uu noqdo deggan ama daggan. Bal eeg sida macnaha cinwaan u doorsoomay markii la qaatay dag haddana la labalaabi waayey:Xaalada Magaalada Muqdisho oo haatan ah mid dagan kadib Markii dagaalo maanta ay ka dhaceen. Waa cinwaanka sheeko wareed lagu soo saaray mareegta widhwidh.Uma sii fiirsan ereyada kale ee cinwaanka ee gefka higgaadeed ka muuqdo.

Friday 18 January 2008

Xasan Shiikh Muumin oo ku geeriyooday Oslo

Waxa magaalada Oslo ee caasimadda Noorweey ku geeriyooday Allaha u naxariisto Xasan Shiikh Muumin oo ahaa abwaan Soomaaliyeed oo lagu xusuusto heeso iyo riwaayado badan oo uu curiyey. Xog kooban oo ku saabsan nolosha abwaanka iyo hal-abuurkiisa ayaa lagu soo saaray mareegta awdalnews.

Wednesday 2 January 2008

Weedho aan naxweysnayn iyo weedho aan caddayn

Qormadan waxay ka mid tahay buug aan ka qorayo gefefka dhaca marka af Soomaaliga loo adeegsanayo warbaahinta gaar ahaan mareegaha( websites) iyo wargeysyada. Weedhaha la soo xigtay qaarkood waxa ku jira gefef higgaadeed. Sida ay u qoran yihiin baa loo soo dheegay hase aheetee waxa ay qormadan xoogga saareysaa iftiiminta weedhaha aan naxweysnayn iyo kuwa aan macnahoodu caddayn. Ma aha mareegta bbcsomali.com tan keliya ee weedho aan naxweysnayn ama caddayn laga heli karo. Kuwo kale oo badan ayaa jira.

Weedhaha aan naxweysnayn waxa keena ilduuf tafaftireed. Inkastoo xilka tafaftiridda uu saaran yahay mereegta ama wargeyska qormo lagu soo saarayo, waxa habboon in qoraha wax soo gudbinaya uu ku dedaalo in qormadiisa noqoto mid laga hufay gefefka naxweed intii uu awoodo. Waxa jira hadal aan caddayn hase ahaatee naxwe ahaan sax ah. Weedhahan soo socda waxay ka mid yihiin sheeko wareed ku saabsan dad Soomaaliyeed oo waxyeello ku soo gaartay doon ay saarnaayeen:

Indhaha markii ay kala qaaday oo la weydiiyey sida ay tahay, waxay tiri waan fiicanahay. Kaddibna waxaa la weydiiyey magaceeda, waxaana ay tiri "waxaa la i dhahaa Faaduma," waxaa markeeda aad ula yaabay dadka dul taagnaa oo qaba labbiska cagaarka ah ee ay xirtaan dhakhaatiirta iyo kaalkaaliyeyaasha waaxda dadka aadka u liita. Waxaa kaloo ay la yaabaneyd tuuboyinka iyo feleboyinka ka taagan.

U fiirso weydiimahan: ma anigaa indhaha kala qaaday mise gabadha ayaa indhaha kala qaadday? Ma gabadha Soomaaliyeed baa lala yaabbanaa? Ma iyada ayaa wax la yaabban? Sow suurtogal ma aha in gabadhu, dhibkii ay soo martay awgiis, la yaabbanayd dadka xiran “labbiska cagaarka ah ee ay xirtaan dhakhaatiirta iyo kaalkaaliyeyaasha waaxda dadka aadka u liita” iyo “tuuboyinka iyo feleboyinka ka taagan”? Waa weedho naxweysan hase ahaatee ma cadda xiriirka ka dhexeeya.
Faallo uu qoray Yuusuf Garaad, tafaftiraha Laanta af Soomaaliga ee BBCda oo ku saabsan siyaasadda Soomaalida ayaa lagu soo saaray mareegta bbcsomali.com.
Weedhaha soo socda ayaa ka mid ah faallada:

Waxaa uu khilaafku u dhexeeyaa gaar ahaan Madaxweynaha,Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Raiisal Wasaaraha, Cali Maxamed Geeddi, oo daafacayay kana dhaadhicnayay dadweynaha in la keeno ciidan shisheeye oo aan loo kala saarin saf hore iyo Hase yeeshee, marka la fiiriyo tirada hoggaamiyayaasha mid dambe. Dhinaca kale waxaa ka soo horjeeda ra’yigaas hoggaamiyayaal hubeysan oo hadda Wasiirro ka ah dowladda oo ka soo horjeeda in ciidan laga keeno dalalka deriska ah.

Marnaba ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geeddi, iyo madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, iskuma maandhaafin keenista ciidamo shisheeye hase ahaatee xigashada kore waxa ka muuqata in labada xil-haye isku hayeen arrinta ciidan keenista, madaxweynuhuna uu arrinta keenista ciidamo shisheeye diiddanaa, halka ra’iisal wasaaruhu doonayey