Sunday 20 July 2008

Telefishinka Universal iyo kaalintiisa isku dirka qabiillada Soomaalida

Telefishinka Universal ayaa soo daabacay sheeko cinwaankeedu yahay: Puntland Oo Rag Ka qabqabatay Degmada Guriceel Ee Galgaduud. Markii aan sheekadii akhriyey waxa aan ogaaday in aan rag laga qabqaban Guriceel waayo waxa ay sheeko wareedka Universal TV xustay in "hor[r]aantii todobaadkan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland dhinaca waqooyi magaalada Gaalkacyo ka qab qabteen dhal[l]inyaro gaadheysa illaa sagaal ruux, kuwaasoo lagu sheegay in ay ahaayeen arday semenaar u socotay, balse maamulka Puntland ayaa ku eedeeyey in ay ammaanka caqabad ku ahaayeen."
Goorma ayaa la rumeysan kara Universal TV? Ma marka uu sheegayo in dhallinyarda laga qabqabtay Guriceel mise marka laga qabqabtay waqooyiga Gaalkacyo? Waa arrin warbaahintii dhowraysa anshaxa warfaafinta ay raalli galin ka bixiso.

Heshiiskii Jabuuti Bil Kadib!

Maxaa kala haysta warfidiyeenka Soomaaliyeed qaarkood iyo astaamaynta? Mareegta Laanta af Soomaaliga ee Codka Maraykanka waxay ku biirtay mareegaha ku margaday astaamaynta ( hakadka, joogsiga, calaamad su'aalka, calaamadda la yaabka iwm). Bal eeg cinwaankan:
Heshiiskii Jabuuti Bil Kadib!

Saturday 19 July 2008

Hadhwanaag news oo eedeeysay hoyga Cabdiqaasim Salaad

Mareegta Hadhwanaagnews ayaa ku eedeeysay madaxweynihii hore oo dawladdii Carta lagu dhisay in hoygiisu uu fadhataystay 'ciidamo ka tirsan dawladda Embagathi' Cinwaanka sheekada Hadhwanaagnews waa:
Guriga Madaxweynihii Hore Ee Carta Cabdiqaasim Salaad Ayaa Fadhateysi Ku Sameeyey Maanta Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Embagathi.
Maxay wadaagaan sheekada Hadhwanaagnews iyo sheekada ku saabsan Xaaji Muuse Suudi Yalaxow ?