Wednesday, 31 October 2007

Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida

Waxa toddobaadkii hore lagu soo gabagabeeyey magaalada London waxqabadyo dhaqameed oo socday toddoba maalmood. Cabdillaahi Cawed Cige ayaa si kooban u dulmaray Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee lagu qabtay Oxford House, bariga London.

Tuesday, 30 October 2007

Abwaanka Cudurrada Dadka iyo Duunyada

Mustafa xariir oo qoray dhawr buug oo ku saabsan caafimaadka ayaa gorfeynaya Abwaanka Cudurrada Dadka iyo Duunyada oo uu qoray Cabdiraxmaan Faarax ( Barwaaqo).

Monday, 29 October 2007

Madaxweyne Yuusuf oo xilkii ra'iisal wasaaraha loo dhiibay!

Haddii aad is lahayd suxufiyiinta Soomaalida dhammaanteed way muujin karaan sida af Soomaaliga u maareyn karo isbeddelada siyaasadda, waad ku hungowday. Maanta ayaan tagay mid ka mid mareegaha af Soomaaliga lagu qoro. Waa dayniile.com
War aanan u fadhin baan kala kulmay. Madaxweynaha Soomaalida ayaa xilkii ra'iisal wasaaraha loogu daray kan uu hadda hayo. Ka bogo warkaa oo cinwaankiisu sidan u qoran yahay: "Salim Aliyow Ibrow oo madaxweyne Yuusuf ugu dhiibay in uu sii noqdo Raiisal wasare kumeel gaar ah."

Sunday, 28 October 2007

Waxbarashada Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

Kaalin mug weyn ayay ururrada samafalku ka qaataan waxbarashada deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Mareegta wardheernews ayaa warbixin faahfaahsan arrintaa ka diyaariysay.

Sunday, 14 October 2007

Shibbaneyaasha Laba-laabma ee Af Soomaaliga

Sida Soomaalida dhib ballaaran uga soo gaaray dagaalka sokeeye iyo wada-burburka ayaa afka Soomaaliguna dayac la taahayaa. Waxa aan maqli jirey dadka oo yiraahda ”xoolo iyo ninkii lahaa way is raaceen.” Haddii aan maahmaahdaa murtideeda ka shidaal qaato waxaan oran karaa : “ af iyo dadka leh way is raacaan.”
Inkastoo aan waxbarashadii dugsiga hoose iyo tii sareba ku soo qaatay afka hooyo, haddana marka la i weydiiyo weydiin ku saabsan sida af Soomaaliga wax loogu qoro waxan moodi jirey in weydiintaa tahay mid silloon waayo waxaan aamminsanaa in aan af Soomaaliga ku hadlo, sidii aan doonana wax ugu qoro!
Ma fogeyn markii aan ogaaday in aan u baahanahay horumarinta xirfaddayda qoraal ee af Soomaaliga. Fiiro uma yeelan jirin ereyada leh shibbaneyaal laba-laabma. Shibbaneyaasha laba-laabma ee af Soomaaliga waxa lagu soo ururiyey weydiintan: Ma nala garaadbaa? Waan ku rafan jirey xeerka lagu dhaqo shibbaneyaasha laba-laabma iyadoo, codeyn ahaan, ay muuqatay in ereyga aan qorayey uu leeyahay shibbaneyaal laba-laamba.
Ku baraarugga shibbaneyaasha laba-laabma waxa ka dambeeyey maqaallo af Soomaali ku qoran oo aan akhriyey; maqaalladaas waxa qoray qoreyaal Soomaaliyeed oo hannaankooda qoraal kala duwan yahay. Waxaan ogaaday in dhawris la’aanta xeerka shibbaneyaasha laba-laabma uu saamayn aan wanaagsaneyn ku yeesho macnaha waxa la qorayo.

Miyay habboon tahay in dabacsanaan higgaadeed la muujiyo marka la qorayo erey shibbane laba-laabma uu ku jiro? Weydiintan way ku soo noqnoqotaa maankeyga. Way jiraan ereyo Soomaalida siyaabo kala duwan ugu dhawaaqaan hase ahaatee aan saameyn ku yeelan dhawaaqa culus ee muujinya in shibbane laba-laabma uu ereyga ku jiro. Tusaale: ereyga deg waxa Soomaali badan ugu dhawaaqaan una qoraan dag.
Ismaandhaaf ayaa dhasha haddii qof loo sheego in sida uu erey ugu dhawaaqay aanay ahayn si sax ah. Ismaandhaafkaa ma hakiyo oo keliya horumarinta af Soomaaliga ee wuxuu abuuraa dareen ah in Soomaalida qaarkeed isa siiyaan lahaanshaha af Soomaaliga. Ogaanshaha ilaha uu ka dhasho ismaandhaafka afeed ayaa saldhig u noqon kara ka doodista sida loo higgaadiyo ereyada af Soomaaliga. Tusaale: ma waxaad qori oran mise odhan; socdaal mise sodcaal; dawaco mise dacawo.

Ma adka in la isku raaco higgaadinta ereyada af Soomaaliga ee aan laga soo amaahan afafka qalaad. Isku raacistaa waxay noqon kartaa ‘si uun ha loo wada higgaadiyo’ ama ‘ha la oggolaado in qoloba si u higgaadiso haddii qormadu yeelanayn macno kale ama micneyaal badan..’

Mar aan fogeyn waxaan akhriyey buug ku saabsan taariikhda Soomaalida. Qoraha buugga oo ka sheekaynaya xiriirkii qotada dheeraa ee ka dhexeeyey dalkii la oran jirey Dhulkii Udgoonaa iyo Faraaciintii Masar wuxuu qoray:

“Waxay boqoradu u dirtay Soomaaliya wafti watey shan doonyood….”
Ereyega ‘boqaradu’ wuxuu ku saabsanyahay boqoraddii Xatsebshuut ee la sheegay inay booqasho ku timid dhulka Soomaaliyeed waagii loo yiqiin Land of Punt.Shibbanaha laba laabma ee ka maqan ereyga Boqoradu ,-- waa siduu qorahaa buugga aan xiganayo uu u qoray e – ayaa beddelay macnihii iyo majarihii naxwaha. Boqoradu waa dhawr boqor ( kings) haddii lagu daro shibbanaha laba-laamba ee r. Haddii ay iyagu yihiin kuwa diray shanta doonyood waxay weedhaa u qormi lahayd “boqorradu waxay u direen Soomaaliya… “ Qofka ku ad-adag (purist) si wanaagsan u higgaadinta af Soomaaliga waxa markiiba buggaa uga muuqan ilduuf tifaftireed. Adeegsiga ereyada qaarkood waxa fudeeya aqoon dhaqameed. Tusaale: “koorta faraska dhulka lama dhigo” waa weedh sax ah naxwe (grammar) ahaan, balse muujinaysa in aanan wax badan ka aqoon fardaha Soomaalida.
Ereyeda leh shibbaneyaasha laba laabma ee inta badan lagu tunto waxa ka mid ah: dawladda, gaashaandhigga, arrimaha iyo kuwo kale oo badan. Waxa jira ereyo naxwe ahaan fal ah oo laba-laabma mararka qaarkood. Kuwani waa ereyada inta badan keena qalad xagga naxwaha ah. U fiirso weedhan ka mid ka ahayd sheeko lagu soo qoray hoy Internetka ku yaal ( website ).
“ Dilka Soomaalida loo geysanayo ayaad yara moodaa sanadkan labadakun iyo lixda in u carcar tiisa wato.” Sida loo higgaadiyey ereyga mooddaa oo aan sax aheyn ayaa saameyey naxwaha.

“Waxan moodayaa mirihii jannada iyaduna ma oga!” ayuu fannaankii yiri. Haddii qof yiraahdo “waxaad moodaa,” way kuu muuqan in shibbanaha d ee laba-laabma oo maqan dartii ay weedhu aad u maqlayso sidan: ” waxaad moodaa” . Shaki baa ka geli kara in qofka weedhaa yiri uu af Soomaaliga yaqaan iyo in kale. Dhegeheennu uma dulqaataan qaladka ku dhawaaqista erey. Indhaheennu way u dulqaataan. Waayo?
Dareenka noocaas ah ma abuurmo marka erey si aan sax aheyn loo higgaadsho. Ereyada aan ka soo amaahannay afafka shisheeye ee marka lagu dhawaaqo ay muuqato in shibbaneyaal ka mid ah ereyadaas la adkeeyey ama la shedey* marnaba dabacsanaan lagama muujin karo haddii laba-laabista aaney keeneyn in ereygaa dhawaaqiisa uu bedello macnaha weedha ama u ekaado erey af Soomaali ah ee jira. Waxaa ereyadaa ka mid ah ummad oo afka Carabiga aan ka soo amaahannay. Waxa kale oo jira ereyo amaaheed xagga dambe ka laba-laamba: Tusaale: nuqul ( marka jamac laga dhigo waa nuqullo, wasaarad ( marka qodob lagu daro waxay noqotaa wasaaradda).
Way wanaagsan tahay in qoreyaasha, abwaannada, akhristaayaasha iyo dhegeystaasha xil iska saaraan fidinta si wanaagsan wax ugu qorista af Soomaaliga si faca dambe aanay u noqon kuwo nagu xusuusta ku tumashada af Soomaaliga oo far lagu qoro loo dooray sanadkii 1972kii.

"Hagarlaawe"- Diiwaanka Maansada Gaarriye



Waxaa dhowaan la soo saaray diiwaanka maansada Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye". Xog ku saabsan buugga waxaa laga heli karaa mareegta Aftahan.

Wednesday, 3 October 2007

Tayada af Soomaaliga qaar ka mid ah mareegaha Soomaalida



Waxaan sawirkan ka soo qaaday mid ka mid ah mareegaha af Soomaaliga lagu qoro. Waxaan isweydiiyey goorta xarafka p lagu soo daray shibbaneyaasha af Soomaaliga. Hampalyo!

Sunday, 30 September 2007

Buug cusub oo laga qoray maansada Gaarriye


Waxaa dhowaan la soo saaray buug laga qoray maansada Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye". Waxa buugga qoray afyahanka Cabdiraxmaan Faarax 'Barwaaqo'.
Waa buuggii u horreeyey ee laga qoro mahadhada iyo waxqabadka Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye". Waxanad ku ogaan badaha uu Gaarriye ka maansoodo iyo habka uu u adeegsado maansooyinkiisa. Waxad dhaayahaaga ku dhugan, cidina kaaga warramidoonin, Cilmibaadhistii yaabka badnayd ee uu soo bandhigay qarnigii la soo dhaafay.


Xog dheeri ah oo buugga ku saabsan waxaad ka heli kartaa mareegta Lulu.com

Saturday, 29 September 2007

Somali Week Festival in London

Oxford House has organised Somali Week Festival. The festival programme in available on Oxford House website.

Thursday, 27 September 2007

Gobaad


Anwar Maxamed Diiriye oo ah gabyaa iyo abwaan sameeye ( lexicographer) ayaa isaga oo kaashanaya guddi tafaftireed soo saaray wargeys xilliyeed la yiraahdo Dhaqansidaha Gobaad: Journal of Somali Language, Literature, Culture, History & Social Development. Gorfeyn lagu sameeyey tirsigii ugu horreeyey ee Gobaad ayaa lagu soo saaray RedSea Online

Afafka dabar-go'a ku dhow

Wargeys xilliyeedka World Literature Today waxa tirsigiisa ugu dambeeya lagu soo qoray qormooyin ku saabsan afafka dabar-go'a ku dhow; waxaa ka mid ah afafka Yoruba iyo KyaNgonde oo lagaga kala hadlo dalalka Nayjeeriya iyo Malaawi. Afafka halista ku sugan badankood ma laha far lagu higgaadiyo

Sunday, 16 September 2007

Taariikh nololeedkii Marxuum Yuusuf Xaaji Aadan

Waxa dhowaan lagu gardaadiyey magaalada London buug laga qoray " geeddi nololeedkii" Marxuum Yuusuf Xaaji Aadan oo ahaa abwaan, bare iyo barbaariye.
Halkan ka daawo muuqaallo ku saabsan gardaadinta buugga.

Gaarriye oo ka hadlaya af Soomaaliga iyo suugaantiisa

Kani waa muuqaal lagu keydiyey YouTube kuna saabsan maansoyahanka Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).

Qormooyin af Soomaaliga ku saabsan

Waxa jira degello kala duwan oo lagu soo bandhigo qormooyinka af Soomaaliga ku saabsan. Qormadan ayaa aad ii xiise gelisay. Sidoo kale qormooyinkan ku kala saabsan madhxinta af Soomaaliga, af Soomaaliga iyo warfidiyeenka
ayaan wax badan ka korodhsaday.
http://www.somaliland.org/opinions.asp?ID=07091603

Guurowga

Guurowga waxa uu ka mid yahay maansada Soomaalida kuwa aan ugu jecelahay. Waan xusuustaa sida aan u dhegeysan jiray guurowga Maxamed Gacal Xaayow ee Raadiyo Muqdisho laga sii dayn jiray. Qormooyin aan is leeyahay waxa ay sal u noqon karaan baaris ballaaran oo guurowga lagu sameeyo ayaa lagu saaray degelka dalmar.org

Friday, 31 August 2007

"Dhimaalka af Soomaaliga"

Abwaan Siciid Saalah ayaa warqad xiise leh oo ku saabsan af Soomaaliga ka akhriyey Shirka Cilmi Baarista Soomaaliyeed oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Ohio ee dalka Maraykanka. Mareegta www.bartamaha.com ayaa si maqal iyo muuqaalba leh u soo gudbinaysa doodda abwaan Siciid Salaax shirka la tagay.

Laanta af Soomaaliga ee BBCda iyo Xarfaha Labalaabma

Tarjumaha ama qoraha sheeko lagu soo saaray mareegta Laanta Af Soomaaliga ee BBCda ayaa soo bandhigay hab cusub oo loo higgaadsho ereyga aan la hubin in xaraf labalaamba uu ku jiro iyo in kale. Cinwaanka sheekadu waa: "QM oo u diraysa gudi xaqiiqo raadis Ethiopiya."
Sida muuqata ereyga guddi looma higgaadin si hagaagsan. Hase ahaatee markii aan akhrinayey sheekada waxa igu soo baxay ereygii oo si hagaagsan loo higgaadshay:
"Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in ay qorshaynayso in guddi xaqiiqo raadis ah ay u dirto deegaanka Soomaalida ee Ethiopia si ay u soo eegaan xaaladda ka taagan gobolka."
Magaca dalka Itoobiya waxa loo higgaadshay seddex siyood oo kala duwan:
1-Ethiopiya
2-Itoobiya
3-Ethiopia

Taa waxaa dheer qoraha sheekadaa oo astaameynta ( punctuation marks) siduu doono u adeegsanaya. Waxaan mararka qaarkood isweydiiyaa weydiintan: Ma la hubiyaa in dadka shaqada ka soo doonta Laanta af Soomaaliga ee BBCda ay af Soomaaliga u adeegsan karaan hawl- warbaahineed?

Thursday, 30 August 2007

Maay Script

I stumbled on an interesting essay on Somali
Maay script.

Monday, 13 August 2007

Laanta af Soomaaliga ee Codka Maraykanka

Inkastoo Laanta af Soomaaliga ee Codka Maraykanka( Voice of America) aanay weli xusin sanadguurada koowaad ee markii ay hawada soo gashay, tayada af Soomaaliga lagu qoro sheekooyinka iyo faallooyinka lagu soo saaro degelka Laanta way sarreysaa. Marka keliya ee aan is iri hawlwadeenka Laanta uma sii fiirsan shibbaneyaasha labalaabma waa intii aan akhrinayey sheeko ku saabsan xadgudubyada aadanaha. Cinwaanka sheekadaa waa: "Dhinacyada Soomaaliya Isku Hayya oo Xadgudubyo Xuquuqda Aadanaha ah Lagu Eedeeyey". Lama socdo goorta shibbanaha Y lagu soo biirshay shibbaneyaasha labalaabma. Idaacadda Codka Maraykanka waxay isu taqaan inay tahay 'Ilo lagu kalsoonyahay xaga wararka'. Waan hubaa in qoraha Laanta uusan dhihin 'xaga'. Uma uu qorin ereygaa sida uu u codeeyey.

Sunday, 12 August 2007

A Linguistics Bibliography of the Somali Language

Linguists researching different aspects of Somali language always face the daunting task of locating seminal papers on Somali language. Dr M.Diriye Abdullahi, a Somali linguist, has compiled a useful linguistics bibliography of the Somali language.