Thursday 27 June 2013

Xeerarka fagaasa labada Shibbane

Hordhac Sida laga wada dheregsanyahay, labada dhawaaq ee ‘dh’-a iyo ‘r’-a waxay ka mid yihiin laba-iyo-labaatanka shibbane ee afsoomaaliga. Haddana ereyo ay ku jiraan baa muran xoogle abuura. Tusaale ahaan labada erey ee ‘gabadh’ iyo ‘gabar’ oo isku ujeed -do ah, hayeeshe ku kala geddisan labada dhawaaq ee u dambeeya, baa ka mid ah kuwa muranka abuura. Haddii aan soo qaadanno wadarta ereygaasi waxay noqonaysaa ‘gabdho’. Waxa haddaba isweydiin leh qofka marka horaba ereyga ugu dhawaaqay ‘gabar’ muxuu kolka dambe u odhanayaa ‘gabdho’ ee uu u odhanwaayey, waa halkii Muuse Galaale, ‘gabro’?

No comments: