Thursday 12 July 2007

Akhri mise Aqri

Ereyo badan oo af Soomaali ah ayaa qofba si u higgaadshaa. Ereyadan badankood waa kuwa laga soo amaahday afaf qalaad gaar ahaan af Carabiga. Dabacsanaan waa la muujin karaa marka la eegayo in qoraa uu adeegsaday xeerarka higgaadda af Soomaaliga haddii ereyada qaarkood yihiin kuwo la soo amaahday oo siyaabo kala duwan loogu dhawaaqo. Waxa jira erey aan layaabo sida loo higgaadsho. Waa akhri. Wuxuu ka soo jeedaa erey af Carabi ah oo marka la qorayo xarafka KH aan lagu higgaadin. Maxaa xarafka KH loogu higgaadshaa ereygan marka af Soomaali lagu qorayo?

Wareerka ka aloosan higgaadda ereygan waxa sii fiican oo aan ula kac ahayn loogu soo bandhigay qormadan. In kabadan 8 jeer ayaa ereygan marna akhri loo higgaadshay marna aqri. Sidoo kale akhriye ayaa noqday aqriye. Dooddu ma aha higgaaddee sax ah.

1 comment:

Anonymous said...
This comment has been removed by a blog administrator.