Wednesday 11 July 2007

Higgaadda Toosi!

Inkastoo tirada mareegaha af Soomaaliga lagu soo saaro sii kordhayso, u-hoggaansami la'aanta xeerarka higgaadda af Soomaaliga waa mid sii kordhaysa iyaduba. Waxa aan akhriyey sheeko ku saabsan ergo u ambabixi doonta Muqdisho si ay uga qayb galaan shirka dib u heshiisiinta ee lagu wado in uu ka dhaco Muqdisho. Cinwaanka sheekada ayaa ii kala saari waayey in ay ergadu u socdaan gobolka Bari iyaga oo sii maraya Muqdisho iyo in kale!

No comments: