Saturday 14 July 2007

Dhinac u xaglinta iyo Laanta af Soomaaliga ee BBCda

Waxa isa soo taraya dhaliilaha kala duwan ee loo jeedinayo Laanta af Soomaaliga ee BBCda. Mar baan wax ka qoray sida Laanta af Soomaaliga BBCda ugu tumato xeerarka higgaadda af Soomaaliga iyo anshaxa warfidiyeennimada. Boobe Yuusuf Ducaale ayaa sidaa si ka sii qoto dheer u eegaya qaar ka mid ah iimaha hawleed ee Laanta gaar ahaan marka ay diyaarinayso doodaha. Boobe wuxuu dulmaray barnaamijyada doodaha ee Laanta af Soomaaliga soo abaabusho. Waa yaab haddii hoggaamiyayaasha af Soomaaliga ku hadla ee Geeska Afrika markay Allaystaan qaarna barnaamij doodeed loo sameeyo qaarna la iska hilmaamo. Boobe wuxuu arrintaa u arkaa dhinac u xaglin (bias) muujinaysa in warfidiyeenka Laanta af Soomaaliga aysan tixgelin run-ka-sheegga ( objectivity) waayaha iyo madaxda Soomaalida. Boobe wuxuu kale oo rumeysan yahay in taasi muujinayso in Laanta af Soomaaliga ee BBCda aysan wanaagga ka talinayn marka arrimaha Soomaaliya laga wareysto rag ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Jaamac Barre iyo Maxamed Cali Samatar. Labada rag ee Boobe xusay waxay ka mid yihiin madaxdii Soomaaliya ka soo arrimmisay xilliggii Kacaanka.Wareysigoodu ma aha dhinac-u-xaglin waayo BBCdu waxa u yaal xeerkaab tafaftireed bannaynaya in la wareysto qof kasta oo sheekada la tabinayo ka mid ah. Markaa haddii, tusaale ahaan, koox ay eedaymo u soo jeediyaan Cabdiraxmaan Jaamac Barre ama Maxamed Cali Samatar, BBCdu way wareysanaysaa siyaasiga si sheekadu aysan u dheelliyin.
Raggaa madaxda ahaan jiray marka dib loo eegayo kaalimahooda siyaasadeed waxa dhacda in qofba si u arko. Warfidiyeenka marnaba hawshiisu ma aha in uu qiimeeyo siyaasiga marka war la soo tebinayo ama waraysi la samaynayo. Weydiimo kala duwan waa la weydiin karaa siyaasiga. Qiimaynta waxaa leh qofka siyaasiga ka soo horjeeda iyo dhegeystayaasha wax ku goynaya hadba sida siyaasiga uga jawaabo dhaliilaha ama eedaymaha loo soo jeedsho ama bahda siyaasadeed ee uu ka soo jeedo. Waana iyaga kuwa sida ay arrinta ula muuqato wax uga sheegaya iyaga oo ku salaynaya waxa niyaddoodu doonayso kuna sii salaysan danahooda ama waxtabashadooda. Waa marka la oran karo bareerahoodu waa mid muujinaya sida ay u wax u dareensanyihiin ( subjective)-- way noqon kartaa mana noqon karto sida ay wax yihiin.

1 comment:

Anonymous said...

Shaki kuma jiro in tayada laanta af Soomaaliga ee BBC du in hoos u dhacday. Boobe waxa maqaalka ka dilay intaas yar ee uu siyaasadeeyay. Waxa aad mooddaa in uu qaabkii warbaahinta ee shuuviyadda. Guud ahaanse waa maqaal fiican.

Mahadsanid

Yoonis Hassan